Magaalada Jigjiga waxaa maanta lagu aasay Juweeriya Maxamed Ibraahim oo ku magacdheereyd “Juweeriya Subcis” oo ka tirsaneyd baarlamaanka gobolka Ismaamulka Soomaalida, oo shalay uu askari ka tirsan ciidamada ilaalada garoonka uu toogasho ku dilay kadib markii uu rasaas furay.
Mas’uuliyiinta ayaa ku adkaystay in askarigaasi sharciga la marin doono.
Warbixintan waxaa inoo soo diray Maxamed Cabdiraxmaan Gaataa.