Dagaalo maanta dib uga qarxay deegaano ku dhow Kalshaale ayaa lagu soo warramayaa inay weli halkaasi ka socdaan, lama hayo tirada rasmiga ah ee khasaaraha dagaaladaasu sababeen.
Maxamuud Xaaji Cumar oo ka mid ah odayaasha deegaanka Buhoodle oo wareysi siiyay VOA ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay jihooyin badan weerar kaga soo qaadeen.
Hase yeeshee agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta ee Somaliland Faysal Cali Sheekh oo u warramay VOA-da ayaa beeniyay in dhinacooda ay dagaalka bilaabeen. Wuxuuna sheegay in khasaare uu jiro, balse aan lahayn tiro sugan.
Deegaano ka tirsan Kalshaale ayaa maanta ay ka soo cusboonaadeen dagaalo u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo maleeshiyo deegaanka ka tirsan.