Muqdisho —
Waxaa maanta mgaalada Muqdisho si heer qaran ah loogu aasay Allah ha u naxariistee Khadiija Maxad Diiriye, oo aheyd wasiirkii haweenka iyo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, oo shalay ku geeriyootay dalka Jabuuti.
Aaska ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxda sare ee dowladda, sida madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, guddoonka baarlamanka, madax hore, iyo xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda, iyo dadweyne kale.
Warbixintan Waxaa Muqdisho ka soo diray wariyaha VOA Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.
Madal