Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khamenei oo sheegay in xulufada Iran 'aysan ka waaban doonin' dagaalka Israel


Ayatollah Ali Khamenei
Ayatollah Ali Khamenei

Hoggaamiyaha sare ee Iran ayaa khudbad naadir ah, oo uu jeediyey Jimcaha maanta, ku sheegay in xulufadiisa gobolka ay sii wadi doonaan dagaalka Israel, isaga oo difaacay weerarkii gantaallo ee ay ku qaadeen.

Khudbadda Aayatullah Cali Khamenei ee Tehran ayaa ahayd tii ugu horreysay tan iyo markii Iran ay fulisay weerarkeedii labaad ee abid ay ku qaado Israel. Sidoo kale waa tii ugu horreysay tan iyo markii rasaas is-weydaarsigii dagaal-yahannada Xzibullah iyo Israel uu isku rogay dagaal ballaaran.

Isagoo la hadlayay kumanaan qof oo isugu soo baxay dalka ku hadla luuqadda Farsiga ee Iran, ayuu Khamenei ku yiri Carabi: "Iska caabinta gobolka kama waaban doonaan in ay shahiidaan, wayna guuleysan doonaan."

Khamenei ayaa ammaanay ururka Xizbullah, isaga oo sheegay in ay "adeeg muhiim ah u hayaan gobolka oo dhan iyo dhammaan caalamka Islaamka".

Khudbadda ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Israel ay darseyso aargudasho ka dhan ah weerarkii ee Iran, oo ay Tehran sheegtay in ay ugu aargudaysay dilkii Nasrallah iyo xubno kale oo sar sare.

Wasiirka difaaca Israa'iil Yoav Gallant ayaa ku hanjaby "kuwa weerara qaranka Israel, waxay bixiyaan qiimo culus".

Iran ayaa sheegtay in ay sare u qaadi doonto jawaabteeda haddii Israel ay weerar celis sameyso.

Ku dhowaad sanad kadib weerarkii dhimashada badnaa ee Xamas ay ku qaaday Israel 7-dii October, Israel ayaa ku dhowaaqday inay diiradda u wareejineyso xaqiijinta xuduudda Lubnaan.

Israel waxay sheegtay in hadafka uu yahay in ay u ogolaato in 60,000 oo Israa’iiliyiin ah oo ku barakacay gantaallada Xizbullah, ay ku soo noqdaan guryahooda.

Weerarada Israel ee meelaha ay ku xoogan tahay Xizbullah ee Lubnaan ayaa dilay 1,000 qof tan iyo 23-kii September, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan, waxaana ku barakacay boqolaal kun oo qof.

Waxay sidoo kale dilaan, Jeneral Irani ah iyo taliyeyaal sare oo ka tirsan Xizbullah, oo uu ku jiro hoggaamiyihii kooxda Xasan Nasrallah.

Madal

XS
SM
MD
LG