Kooxda al-Shabaab ayaa sheegtay inaysan u oggolaan doonin deegaanada ay ka taliyaan inay yimaadaan hay'adihii ay horey uga mamnuuceen.
Waxaa kaloo al-Shabaab sheegtay inaysan waxba ka jirin, wararka sheegaya in macluul ay ka jirto deegaanada ay iyagu ka taliyaan, sida Bakool iyo Shabellaha Hoose.
Afhayeenka al-Shabaab, Maxamuud Cali Raage, ayaa ku eedeeyay Qaramada Midoobay iyo shakhsiyaad Soomaaliyeed inay dano siyaasadeed ay wataan.