Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Korodhka dhaqaalaha Afrika 'oo hoos u dhacaya' sannadkan


Bankiga Adduunka ayaa sheegay in korodhka dhaqaalaha ee Afrika uu hoos u dhacayo sannadkan, sababtoo ah waxaa gaabis galay kobaca dhaqaalaha ee waddamada ugu tunka weyn Afrika, sicir-bararka iyo hoos u dhaca maalgashiga.

Bankiga ayaa sheegay in korodhka dhaqaalaha waddamada Afrika ee ka hooseeya Saxaaraha uu hoos uga dhici doono 3.6% oo uu ahaa sannakdii 2022 uuna sannadkan noqon doono 3.1%.

Bankiga Adduunka ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha dalalka Afrikada Koonfureed uu sii daciifi doono sannadkan 2023 qiyaas dhan 0.5%, sababtoo ah qalalaasaha ka taagan qiimaha shidaalka, halka soo kaabshada dhaqaalaha Nigeria sannadkan 2023 ay tahay mid caga xooggan aan ku taagnayn.

Dhaqaalaha waddamada Galbeedka iyo Bartamaha Afrika ayaa lagu qiyaasay inuu hoos u dhacayo 3.4% sannadkan 2023, halka uu sannadkii 2022-ka ka ahaa 3.7%, halka waddamada Bariga iyo Koonfurta Afrika uu dhaqaalahoodu sannadkan hoos ugu dhacayo 3.0%, halka uu sannadkii hore ka ahaa 2023.

Waddamada daymaha lagu leeyahay laga yaabo inay culays kala kulmaan bixintooda ayaa Bankiga Adduunku sheegay inay dhan yihiin ilaa 22 waddan oo ku yaalla qaaradda Afrika laga soo bilaabo bishii December ee aynu soo dhaafnay.

Waxa uu sheegay bankigu in duruufaha dhaqaalaha ee adag ee dunida ay kordhiyeen amaahashadii qaaradda.

XS
SM
MD
LG