Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ku dhowaad 100 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Nigeria


Qarax booyad shidaal oo ka dhacay waqooyiga Nigeria ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 100 qof, 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay booliisku sheegeen Arbacada maanta.

Qaar badan oo ka mid ah dhibanayaasha ayaa isku dayay inay gurtaan shidaal wadada ku daatay kadib markii booyadda ay ku burburtay waqooyiga gobolka Jigawa, goor dambe oo Talaadadii ah, sida uu afhayeenka booliska Lawan Shiisuu Adam u sheegay AFP.

Gaariga booyadda ayaa leexasho sameeyey si uu uga fogaado in uu ku dhaco gaari xamuul ah, gudaha magaalada Majia, ayuu yiri.

"Waxaan ilaa hadda xaqiijinnay in 94 qof ay dhinteen, ku dhawaad 50 kalena ay ku dhaawacmeen," ayuu yiri, isagoo ka digay in tirada dhimashadu ay intaas ka badan karto.

Shilka ka dib, dadka deegaanka ayaa ku soo xoomay hareeraha gaariga, iyaga oo guranaya shidaal wadada ku daatay iyo gorgorka booyadda, ayuu yiri Adam.

Wuxuu sheegay in dadka deegaanka ay "ka tan bateen" askartii isku dayday inay joojiyaan.

Ururka dhakhaatiirta Nigeria ayaa ku booriyay dhakhaatiirta inay u degdegaan qolalka xaaladaha deg-degga ah ee u dhow, si ay uga caawiyaan qulqulka bukaannada.

Qaraxyada booyadaha shidaalka ayaa ku badan dalka ugu dadka badan qaaradda Afrika, halkaasi oo wadooyinka ay si liidata loo daryeello, dadka deegaankana ay inta badan damcaan in ay shidaalka shubtaan kadib shilalka.

Shidaalka ayaa sii noqday badeeco qaali ah, iyada oo Nigeria ay wajaheyso dhibaatadii dhaqaale ee ugu xumayd muddo jiil ah.

Qiimaha shidaalka ayaa shan laab kor u kacay tan iyo markii Madaxweyne Bola Ahmed Tinubu uu meesha ka saaray kabkii dowladda sanadkii hore, waxaana inta badan jira gabaabsi.

Rajo-xumada ayaa sii korartay toddobaadkii tegay ka dib markii shirkadda saliida ee dowladda ay kor u qaadday qiimaha markii labaad muddo bil gudaheed ah.

Shilalka ku lugta leh booyadaha ayaa ku soo noqnoqda Nigeria, ayadoo Guddiga Badbaadada Waddooyinka ee Federaalka (FRSC) ay diiwaangeliyeen 1,531 shil sanadka 2020, kuwaas oo sababay dhimashada 535 qof.

Bishii hore, ugu yaraan 59 qof ayaa ku dhintay markii booyad shidaal ay ku dhufatay gaari xamuul ah oo ay saarnaayeen rakaab iyo lo' gobolka waqooyi-galbeed ee Niger.

FRSC ayaa sheegtay in in ka badan 5,000 oo qof ay ku dhinteen shilalka waddooyinka Nigeria sanadka 2023, marka la barbar dhigo ku dhawaad 6,500 qof oo dhintay sanadkii ka horeeyey.

Hase yeeshee, sida uu ku warramay Ururka Caafimaadka Adduunka, tirooyinkan kuma jiraan shilalka aan lagu wargelin mas’uuliyiinta.

WHO ayaa ku qiyaastay in dhimashada shilalka waddooyinka ee Nigeria ee sanadkii ay ku dhawdahay 40,000, sida lagu sheegay warbixin la daabacay sannadkii hore.

Dab dhimasho badan iyo qaraxyo ayaa sidoo kale ka dhaca guud ahaan xarumaha shidaalka iyo saliidda ee Nigeria, oo ah mid ka mid ah dalalka ugu soo-saarka badan saliidda cayriin ee qaaradda.

Madal

XS
SM
MD
LG