Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kulamadii Kampala oo weli Socda


Kulamadii Kampala oo weli Socda
Kulamadii Kampala oo weli Socda

Madaxda Soomaalida ee ku sugan Kampala ayaa weli ay u socdaan kulamo xasaasi ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya.

Madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa weli kulamo ay ku xalinayaan khilaafka siyaasadeed ee taagan uga socda magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Wararkii saacadihii u dambeeyay la hadal hayay waxay sheegayaan in laga xaajoonayo awood qeybsi, taasoo la sheegayo in xiisad ay ka taagan tahay.

Wadahadallada waxaa ku biiray ra'iisal wasaaraha xukuumadda KMG ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay si kulul ugu eedeeyay guddoomiyaha baarlamaanka inuu bilaabay gorgortan awoodeed oo golaha xukuumadda ah.

Xildhibaano ku sugan Muqdisho oo maanta shir yeeshay waxay cambaareeyeen in lagu gorgortamo awood qeysbi.

Dhinaca kale, Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya ee ICG ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku soo dhoweysay wadahadalka siyaasiyiinta Soomaalida uga socda magaalada Kampala, waxayna kooxdu sheegtay inay rajeyneyso in Soomaalidu ay xal ka gaaraan khilaafka siyaasadeed.

XS
SM
MD
LG