London —
Allah ha u naxariistee waxaa xalay magaalada London ee dalka Biritan ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliya Axmed Daahir Cabdikariim Nuur.
Hawlaha uu Axmed-Dahair soo qabtay waxaa ka mid ahaa u doodista xuquuqda qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya oo uu ka shaqeeyey inaan si qasab ah loogu soo celin waddanka.
Haddaba Haaruun Macruuf ayaa geerida iyo shaqadii uu qabtay qaxootiga ka waraystay Ambassador Maxamed Cabdi Affey oo ah ergayga gaarka ah ee hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR u qaabislan qaxootiga Geeska Afrika.