Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey qaraxyadii ka dhacay magaalada Beledweyne


Qarax Beledweyne
Qarax Beledweyne

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay saddex qarax oo maanta ka dhacay magaalada Beledweyne, sida ay ilo-wareedyo kala duwan u sheegeen weriyaha VOA ee Beledweyne.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay weriyaha VOA in labada qarax ee hore oo saaka dhacay loo adeegsaday baabuur, lalana beegsaday xarunta Lamagalaay oo fadhiisin u ah madaxda maamulka HirShabelle iyo kuwa gobolka.

Qaraxa saddexaad oo dhacay galabta ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee saldhigga magaalada Beledweyne.

Saddex qarax waxaa loo adeegsaday saddex baabuur kala duwan, waxaana fuliyey shaqsiyaad is-miidaamiyey.

Dadka ku dhintay qaraxyadan waxaa ka mid ah wasiirkii caafimaadka HirShabelle Zakariye Hurre iyo guddoomiye ku xigeenkii gobolka Hiiraan Abuukar Sheekh Maadey.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan, waxaana afhayeenka maleeshiyada kooxdan Cabdicasiis Abuu Muscab uu sheegay inay ahaayeen kuwa is-miidaamin ah.

Weriyaha VOA Xuseen Xasan Dhaqane ayaa soo dirar qararkii ugu dambeeyey qaraxyadii ka dhacay magaalada Beledweyne.
Wararkii ugu dambeeyey qaraxyadii ka dhacay magaalada Beledweyne
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:47 0:00

XS
SM
MD
LG