Lamaanihii u dhashay Britain Paul iyo Rachel Chandler ayaa maanta la siidaayay kaddib markii koox burcad-badeed ah ay muddo sanad ah afduub ahaan ugu haysteen bartamaha Somalia.
Waxaa la sheegayaa in burcad-badeedu ay qaateen lacag madax furasho ah, balse lama oga inta ay le'eg tahay lacagta la bixiyay. Wakaalada wararka ee Faransiiska ayaa soo tabisay in lacagta madax furashada ee la bixiyay ay soo uruuriyeen qoyska Paul iyo Rache iyo qaar ka tirsan jaalliyada Soomaalida.
Lamaanahan ayaa maanta ka dhoofay Cadaado, waxaana la geeyay magaalada Muqdisho halkaasi oo ay kula kulmeen madax ka tirsan DKMG oo uu ka mid yahay raisal-wasaare Farmaajo iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan.
Lamaanaha ayaa haatan gaadhay Nairobi, waxayna dhawaan u duuli doonaan dalka Britain.