Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mali: Gadood Ciidan


Wararka ka imaanaya dalka Mali ayaa sheegaya in Askar Gadoodsan ay rasaas ka ridayaan dibadda aqalka Madaxtooyada, ka dib markii ciidamadu ay dibad bax ashtako ah dhigeen Arbacadii shalay, kaasoo ay uga soo horjeedeen sida dowladda ay ula macaamisho mucaradka.

Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay caasimadda dalkaasi ee , Bamako, ayaa ku dhawaaqday in xaaladda ay si dhow ula soconeyso, waxeyna kula talisay muwaadiniinta mareykanka inaysan banaanka u bixin.

Radioga iyo Telefishinka Dowladda ayaa hawada ka baxay goor hore, ka dib markii askartu ay xoog ku galeen xarunta Radiyaha iyo Telefishinka.

Askartu waxa ay dalbanayaan in si wanaagsan loo hubeeyo si ey ula dagaalamaan mucaaradka Tuareg, kuwaas oo gacanta ku dhigay dhowr magaalo oo ku yaala saxaraha fog ee waqooyiga Mali.

Xasilooni daridda ayaa ka bilaabatay xerada milatariga ee la yirahdo Kati ee ku taala Bamako. Askarta ayaa rasaas hawada u riday ka dib markii ay la kulmeen wasiirka difaaca ee Mali, kulankaasoo sida muuqata ku dhamaaday qilaaf.

Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhaawacantahay intii ay socdeen rabshadaha ka dhashay gadoodka ciidan.

XS
SM
MD
LG