Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maalinta 15-ka May oo laga xusay Muqdisho


15 May
15 May

Meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya waxaa maanta dhallinyarada ay ku qabteen munaasabado ay ku xusayeen xuska sanadlaha ah ee maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Xuskan ayaa loogu dabaal-deggaa ururkii gabonimo doonkii Soomaaliyeed ee SYL, islamarkaana ahaa ururkii siyaasadeed ee ugu horeeyay Soomaaliya. SYL oo la aas-aasay 1943-dii waxa uu ka soo qayb qaatay halgalinkii gobanimo doonka dalka.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay maalintan isagoo ubaxyo lagu sharfayo halyeyaashii gobanimada dhigay taalada SYL ee magaalada Muqdisho.

Warbixin umuurtan ku saabsan waxaa Muqdisho ka soo diray wariyaha VOA-da Cabdulcasiis Barrow.

Maalinta 15-ka May oo laga xusay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:39 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG