Jigjiga —
Waxaa magaalada Jigjiga ee caasimada Dawlad Deegaanka Soomaalida lagu maamuusay xuska 37-aad ee maalinta caalamiga ah ee AIDS-ka oo la xuso 1-da bisha December.
Xuskaas kadib ayaa waxaa idaacada VOA u warramay wasiirka xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta HIV/AIDS ee dawlad deegaanka Soomaalida Cabdiraxmaan Nuur Catooshe waxa uu ka warbixiyay maalintan waxa ay tahay iyo xaaladda ay ku sugan yihiin dadka cudurka la nool ee deegaanka.
Dhanka kale, wasiirka ayaa xusay in tirada dadka cudurka qaaday sanadkan 2024 ka ay dhantahay 253 qof .
Wasiirka ayaa u warramey wariyaha VOA ee magaalada Jigjiga Maxamed Cabdiraxmaan Ugaas Gaataa.
Madal