Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maamulka Biden oo xayiraadda ka qaaday kaalmadii militari ee Masar


Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa meesha ka saaray xanibaaddii u saarnayd arrimaha xuquuqul insaanka kaalmada militari ee la siin jiray Masar.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareyknaka ayaa Arbacadii shaley sheegay in dowladda Mareykanka ay siinayso Masar $1.3 bilyan, taasi oo ah qoondada buuxda ee sanadka ee saadka militari.

Waa markii ugu horresey ee Mareykanka uu bixinayo kaalmadaas muddada maamulkan Biden uu xafiiska joogay, ayadoo wali ay jiraan walaacyada laga qabo xuquuqul insaanka Massar.

Warbixin ay qortey Reuters oo arrintaas ku saabsan, waxaa soo jeedineysa Sahra Cabdi Axmed.

Maamulka Biden oo xayiraadda ka qaaday kaalmadii militari ee Masar
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:35 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG