Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Jimcaha u safri doona dalka Jabuuti, halkaasi oo uu kula casheyn doono ciidamada Faransiiska ee ku sugan saldhigga muhiimka ah, ka hor inta aanu u gudbin Itoobiya, waxaa sidaas sheegtay madaxtooyada Faransiiska ee Elysée.
Ayada oo ah dhaqan soo jireen ah oo la sameeyo ka hor sanadka cusub, Macron ayaa sannadkan doortay Jabuuti, si uu "u muujiyo mahadnaqa qaranku u hayo" askarta loo diray dibadda, ayay tiri madaxtooyada.
Waxa uu halkaas kula kulmi doonaa dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo uu kala hadli doono xaaladda Badda Cas iyo Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya oo ay ka jiraan colaado iyo weeraro kala duwan oo ay geysanayaan Islaamiyiinta xagjirka ah ee Al-Shabaab, iyo weliba dalka Suudaan, oo ay halakeeyeen in ka badan sanad iyo bar dagaal sokeeye ah.
Waxay sidoo kale ka wada-hadli doonaan iskaashiga difaaca labada dal ee dib loo cusbooneysiiyay bishii Luulyo.
Saldhigga Faransiiska ee Jabuuti, oo ay ku sugan yihiin 1,500 oo askari, ayaa ah ciidamada ugu badan ee Faransiiska dibadda ka jooga, waana kan keliya ee aanay saamayn ku yeelan dhimista baaxadda taariikhiga ah leh ee loo qorsheeyay ciidamada Faransiiska ee qaaradda Afrika, ka dib dib-u-dhacyo isdaba joog ah oo Faransiiska ku qabsaday gobolka Saaxil sannadihii u dambeeyay.
Heshiiska dib loo cusboonaysiiyay waxa uu ka tarjumayaa "wanaagsanaanta xiriirka ka dhexeeya labadeena dal iyo sidoo kale isku xirka danaha istaraatiijiga ah", Elysée ayaa sidaas tiri xilligii la saxiixay heshiiska.
Jabuuti waa jasiriad xasilloon oo qiimo leh oo ku taal gobol dhib badan. Waxay ka soo horjeedaa Yemen, kuna teedsan tahay Badda Cas iyo marinka Bab-el-Mandeb halkaasi oo ay qayb weyn oo ka mid ah maraakiibta ganacsiga adduunka ee isaga gudba Aasiya iyo Galbeedka.
Marka laga soo tago kirada saldhigga, Faransiisku waxa uu xaqiijiyaa ilaalinta hawada Jabuuti.
Madaxweynaha ayaa Sabtida u duuli doona magaalada Addis Ababa, halkaasi oo uu kula kulmi doono Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. Waxay daah-furi doonaan Qasriga Qaranka oo ah dhisme taariikhi ah oo ahaa gurigii ugu dambeeyay ee ku noolaa Boqor Xayle Salaase-ha 1-aad, kaasi oo la afgambiyay 1974-kii.
Wakaaladda Horumarinta ee Faransiiska ayaa dayactirkeeda iyo u beddelka matxaf ku tabarucday 25 milyan oo Euro.
Marka laga soo tago xiriirka laba geesoodka ah, labada hoggaamiye waxay sidoo kale ka wadahadli doonaan xaaladda kacsan ee gobolka iyo tan gudaha, laba sano kadib heshiiskii lagu soo afjaray dagaalkii Tigray, kaasi oo ay ku dhinteen dhowr boqol oo kun oo qof oo ku noolaa waqooyiga dalkaas.
Madal