Paris —
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa u safri doona waddanka Qatar si uu uga qeyb galo semi-finalka Koobka Adduunka ee u dhexeeya Faransiiska iyo Morocco maalinta Arbacada ah, sida uu sheegay Wasiirka Isboortiga Faransiiska Amelie Oudea-Castera.
Xulka France oo ku guuleystay tartanka sanadkan 2018 ayaa la ciyaari doona xulka Morocco oo u soo baxay afarta xul ee ugu dambeeya Koobka Adduunka, kadib markii ay 2-1 ku garaaceen England, halka xulka Waqooyiga Africa ay 1-0 ku garaacday Portugal ciyaartii Sabtidii.
Xafiiska Macron ayaa bishii hore sheegay in uu sugi doono semi-finalka koobka adduunka haddii ay xulkoodu heerkaas soo gaaro.
Reuters.