Madaxda Ergadii Soomaalida ee ka qeybgashay shirka Nairobi ayaa soo dhaweeyay natiijadii ka soo baxday shirkaasi.
Madaxweynayaasha Galmudug, Puntland iyo guddoomiyaha ergada Ahlu-sunna ayaa saddexduba sheegay in shirkaasi ahaa mid wadatashi ah oo miro dhalay.