Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa weli ku sugan magaalada Minneapolis ee dalka Marayanka, halkaasoo uu kulamo kula qaatay Jaaliyadda Soomaalida Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa uga warramay dadweynihii uu la kulmay in mashaariic horumarineed laga fuliyay deegaanka Soomaalida Itoobiya, lana wado kuwo kale oo la fulin doono. Wuxuu ugu baaqay qurbo joogta inay ka qeybgalaan horumarka deegaankooda.
Waxaa halka lagu soo dhoweeyay bannaankeeda ku hor mudaaharaaday dad badan oo ka soo horjeeda oo ay ku tilmaameen inuu u adeego dowladda Itoobiya.