Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Museveni oo xaqiijiyay in Al-shabaab ay dileen askar ka tirsan ciidanka Uganda


Uganda President's Son Fired-ouganda
Uganda President's Son Fired-ouganda

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa sheegay in gelinkii dambe ee Sabtidii uu khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh kasoo gaaray weerar ay kooxda Al-Shabaab Jimcihii ku qaadday saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidammada nabad ilaalinta Uganda ee qeybta ka ah hawlgalka ATMIS.

Museveni ma uusan sheegin tirada askarta kaga dhimatay ama kaga dhaawacantay weerarkaas oo ka dhacay Buulo Mareer, balse waa markii ugu horreysay oo si rasmi ah loo qirto khasaaraha kasoo gaaray weerarkaas ciidamada Uganda.

“Waxaan tacsi u diraynaa qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku dhintay,” ayuu Museveni ku yiri hadal uu soo saaray, wuxuuna intaas ku daray in milateriga dalkaas ay sameeyeen guddi baaritaanno ku sameeya sidii ay wax u dhaceen.

Musaveni ayaa sheegay in intii uu socday weerarkaas “Qaar ka mid ah askartii halkaasi ku sugneyd aysan u dagaallamin sidii la rabay, laakiinse ay argagaxeen, taas oo keentay jahwareer, Al Shabaabna ay ka faa’iideysteen inay gudaha u soo galaan saldhiga oo ay burburiyeen qeyb ka mid ah qalabkii yaallay saldhigga"

Al Shabaab ayaa war ay soo saartay xiligaasi ku sheegtay in ay fuliyeen weeraro ismiidaamin ah, ayna ku dileen 137 askari oo ku sugnaa saldhiga.

ATMIS ilaa hadda ma aysan sheegin tirada askarta lagu dilay weerarkaas.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG