Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Ruto oo kala diray golaha wasiirada Kenya


Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa maanta kala diray dhammaan Golihiisii Wasiirada marka laga reebo Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Ruto ayaa sidoo kale xilkii ka qaaday xeer ilaaliyaha guud ee Kenya.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah cadaadis todobaadyadii u dambeeyay Ruto uga imanayay baarlamanka Kenya oo ka dalbanayay inuu eryo wasiiro ay ku sheegeen kuwa fadhiid ah, musuq-maasuq badan, oo aan howshii loo igmaday qaban karin.

Kenya ayaa la daalaa dhaceysa natijooyinkii ka dhashay dibad-baxyo waddankaasi oo dhan qarqiyay oo looga soo horjeeday siyaasadda dowladda Ruto ee dhinaca maaliyadda iyo canshuuraha, taasi oo markii dambe uu madaxweynuhu ka noqday.

Dibaxbaxyada Kenya oo ay dhallinyarada hogaamineysay ayaa dalkaasi ka abuuray mushkiladii ugu weyneyd labada sano ee uu Ruto xukunka hayo.

Ugu yaraan 39 qof ayaa ku dhintay dibad baxyada oo rabshado watay oo dhismaha baarlamanka Kenya muddo kooban lagu galay oo dab la qabadsiiyay bishii la soo dhaafay.

Warbixintan waxaa Nairobi ka soo dirtay Intisaar Saalax Xuseen.

Madaxweyne Ruto oo kala diray golaha wasiirada Kenya
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:27 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG