Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta ka hadlay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay gacan siiyaan dowladdiisa.
Madaxweyne Shariif wuxuu sheegay in dowladdiisa ay dagaal kula jirto kooxo argagixiso ah oo al-Qaacida ku xiran, sidaasi darteedna ay u baahan tahay taageerada caalamka si ay isaga tiiriso kooxaha al-Shabaab iyo Xisbul-Islaam.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka codsaday beesha caalamka inay taageeraan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee AMISOM ee taageeraya dowladda ee iyagu ka hawlagala Muqdisho.