Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la socday ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Socdaalka madaxweynaha ayaa la rumeysan yahya inuu la xiriiro dhismaha maamulka loo sameynayo gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, iyo shaqaaqooyin dhowaan ka dhacay magaalada Beledweyne.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wareegto dhowaan kasoo baxday ku sheegay in magaalada Buulburde oo ka tirsan gobolka Hiiraan ay noqoneyso caasimadda maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar oo VOA la hadlay ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan safarka uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta ku tagay gobolka.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay xilka dhowaan loo magacaabay ee ah guddoomiyaha gobolka Hiiraan.
Xuseen Barre ayaa wareystay.