Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jawhar si rasmi ah uga furay shirkii maamul u samaynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
Munaasabadda furitaanka shirka, ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax, xildhibaano, ergooyin ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iyo dadweyne fara badan.
Qaar ka mid ah beelaha gobolka Hiiraan ay qaadaceen ka qeybgalka shirka, iyagoo sheegay in ballamo lala galay looga baxay.
Shirka Jowhar oo in muddo ah socon doona ayaa waxaa ka qeybgalaya ergooyin kala matalaya beelaha degan labada gobol, waxayna soo dhisi doonaan maamul cusub, oo xaruntiisu noqon doonto degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.
Weriyaha VOA Xuseen Xasan Dhaqane ayaa warbixintan kasoo diray shirka Jowhar.