Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar ku tegay Eritrea


Xasan Sheekh Afwerki Eritrea
Xasan Sheekh Afwerki Eritrea

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar aan la shaacin galabta ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, oo xulufo dhow ay yihiin.

Madaxweyne Xasan waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey dhigiisa Eritrea Asaias Afwerki.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X wuxuu ku sheegay in labada madaxweyne ay caawa fiidka yeelanayaan shir ay uga wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo danaha ka dhaxeeya.

Waa safarkii saddexaad ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tago dalka Eritrea tan iyo markii ay billaabatay xiisadda u dhaxeysa Ethiopia iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiskiii is-afgarad ee muranka dhaliyay ee Ethiopia la saxiixatay Somaliland, heshiiskaasi oo si weyn ay uga hortimid dowladda dhexe ee Soomaaliua.

Madaxweyne Xasan iyo dhiggiisa Eritrea Afwerki ayaa leh cilaaqaad xooggan, waxaana Eritrea ay Soomaaliya u muujisay taaggeero xooggan oo ku aadan khilaafka kala dhaxeeya Ethiopia.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa toddobaadkii hore baarlamaanka dalkiisa ka sheeggay in Soomaaliya aan looga baahnayn inay safaro badan u gasho si loo xaliyo khilaafka arrimaha badda ee kala dhaxeeya, laakiin madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna baarlamaanka dalkiisa ka sheegay in Ethiopia ay tahay tan adduunyada ku wareegaysa ee codsanaysa in Soomaaliya lala heshiisiiyo.

Wasiirro ka socda Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa Turkigu uu ku casuumay Ankara, kuwasi oo yeeshay kulamo aan toos ahayn, waxayna labada dhinac ku heshiiyeen in wareeg kale oo wadahadallo ah la isugu yimaado bilowga bisha September.

Madal

XS
SM
MD
LG