Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mahiga: AMISOM ha la Kordhiyo


Ergeyga Qaramadda Midoobay ee Somalia Mr Mahiga ayaa codsaday in la 20 kun oo askari lagu daro AMISOM.

Ergayga oo shalay la hadlayay xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sheegay in halista sii kordheysa ee ka imaaneysa kooxaha mucaaradka ah ee ka jira dalka Soomaaliya aawgeed loo baahan yahay in la kordhiyo tirade howlgalka ciidamada AMISOM la gaarsiiyo illaa labaatan kun oo askari bilaha soo socda si ay u caawiyaan dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in hub iyo dagaal-yahano shisheeye ay Soomaaliya kasoo galaan Magaalo-xeebeedka dekedda leh ee Kismaayo.

Dhinaca kalena, Danjiraha Mareykanka ee Qaramadda Midoobay Susan Rice ayaa sheegtay in xukuumadda Washington ay ku raacsan tahay qiimeynta ay Qaramadda Midoobay ka sameyseysay xaaladda dalka Soomaaliya oo ay sheegtay iney tahay mid aad u halis badan, iyadoo usoo jeedisay xubnaha dowladda Ku meel gaarka ee Soomaaliya iney dhameeyaan kala qeybsanaanta dhexdooda ah, iyadoo sidoo kale soo hadal qaaday in dhaqaale gaaraya 185 million oo dollar ay dowladda Mareykanku ku taageertay AMISOM tan iyo markii ay bilaabeen howlgalkooda, gaar ahaan dhinacyada qalabka, tababarada iyo fududeynta howsha ciidamadaasi.

Toddobaadka soo socda ayaa la filayaa in xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay uu qabto shir heerkiisu sareeyo oo looga hadlayo Soomaaliya inta uu socdo shirweynaha Guud ee dalalka xubnaha ka ah Qaramadda Midoobay.

XS
SM
MD
LG