Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka iyo Xamaas oo xog is khilaafsan ka bixiyay qorshaha xabbad-joojinta Gaza


Qatar's Foreign Minister Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim al-Thani (R) shakes hands with US Secretary of State Antony Blinken during a joint press conference in Doha on June 12, 2024. (Photo by Ibraheem AL-OMARI / POOL / AFP)
Qatar's Foreign Minister Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim al-Thani (R) shakes hands with US Secretary of State Antony Blinken during a joint press conference in Doha on June 12, 2024. (Photo by Ibraheem AL-OMARI / POOL / AFP)

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay Arbacadii in Xamaas ay soo jeedisay isbedello badan oo lagu sameeyo hidisaha xabbad-joojinta ee uu Mareykanku taageeray, waxaana uu sheegay in qaarkood aan la dhaqangelin karin, laakiin dhexdhexaadiyayaashu ay go'aansadeen inay sii wadaan hirgelinta xabbad-joojin ka hirgasha Gaza.

Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas oo la yiraahdo Osama Hamdan ayaa beeniyay in dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas ay soo bandhigeen fikrado cusub, Isagoo la hadlayay TV-ga Al-Carabi, waxaana uu ku celiyay mowqifka Xamaas ee ah in Israa’iil ay tahay midda diidan soo jeedinta, wuxuuna ku eedeeyay maamulka Mareykanka inuu la heshiiyay waxa uu ugu yeeray saaxiibka dhow.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah isbeddellada ay Hamas soo jeedisay ay ahaayeen kuwo yar "oo aan la filayn" halka kuwa kalena ay si weyn uga duwan yihiin waxa lagu qeexay qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee Isniintii lagu taageeray qorshaha uu soo bandhigay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Sullivan ayaa suxufiyiinta u sheegay in Hadafka Mareykanku uu yahay in geeddi-socodkan la soo gunaanadno, isla markaana uu dhammado wakhtiga gorgortanka.

Xamaas waxa ay sidoo kale doonaysaa in dammaanad qoraal ah ee qorshaha xabbad joojinta ay ka hesho Maraykanka ,sida ay wakaaladda wararka ee Reuters ay u sheegeen laba ka mid ah hay'adaha ammaanka Masar.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG