Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka: Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Libertarian oo la magacaabay


Afartii sanaba mar xilliga xagaaga ee Mareykanka, waxaa lala socdaa shirarka ay labada xisbi siyaasadeed ee waa weyn ku magacaabayaan musharraxooda madaxnimo.

Bishan Luulyo ee sanadkan, magaalada Milwaukee ayaa lagu qabanayaa shirka Jamhuuriyiinta ay ku caleema saarayaan musharraxnimada madaxwaynihii hore ee Donald Trump. Bisha xigtana, magaalada Chicago ayay Dimuqraadiyiintu iyana ku qaban doonaan shirkooda ay ku sharxayaan madaxweynaha hadda xilka haya ee Joe Biden.

Waxa aanay inta badan dadku la socon shir kale oo habeenkii Sabtida isna lagu magacaabay musharrax madaxweyne ee xisbiga Libertarian oo ah xibsi xoogga saara xorriyadda madaniga ah iyo suuqa xorta ah.

Weriyaha VOA Steve Herman oo ku sugan Washington ayaa warbixintan soo diray. Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa soo jeedinaya.

Mareykanka: Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Libertarian oo la magacaabay
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:24 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG