Dar es Salaam —
Safaaradda Mareykanka ee magaalada Dar es Salaam ayaa ka digtay suurtagalnimada weerarro argagixiso oo ka dhaca Tanzania, iyadoo uga digtay muwaadiniinta Mareykanka ah inay ka fogaadaan meelaha ay dadku iskugu yimaadaan sida maqaayadaha, suuqyada iyo goobaha dalxiiska.
"Kooxaha argagixisadu waxay digniin la'aan weerar la beegsan karaan hoteellada, safaaradaha, maqaayadaha, suuqyada, saldhigyada booliiska, masaajidda iyo meelaha kale ee ay tagaan dadka reer galbeedka ah" ayaa lagu yiri digniinta kasoo baxday safaarada Mareykanka.
Safaaraddu faah-faahin dheeraad ah kama bixin digniintan iyo magaca kooxda looga shakisan yahay weerarka ay digtay.