Mekele —
Mas’uuliyiinta gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay inay duulaan kusoo qaadeen ciidamada dalka deriska ah ee Eritrea maanta.
Afhayeenka Tigray Getachew Reda ayaa sheegashadan ku daabacay bartiisa twitter-ka. Eritrea iyo Itioobiya ayaan markiiba ka hadlin weerarkan.
Falastiin Axmed Iimaan ayaa inoo soo koobaysa warbixin ay wakaaladda wararka ee Associated Press ka qortay dagaalladan cusub.