Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa kusoo kordhay dagaalka sokeeye ee Itoobiya?


Aqoonyahan u dhashay dalka Itoobiya ayaa sheegay in haddii ay Itoobiya si dhab ah u doonayso inay nabad ka dhalato colaadda ay kula jirto Jabhadda Tigrayga ee TPLF, inay marka hore Itoobiya joojiso weerarrada ka dhanka ah dadka Tigrayga ah.

Hadalkan ayaa imaanaya, kadib markii ay dawladda Itoobiya samaysay laba dalab oo socday muddo hal toddobaad ah, oo ay ku muujisay inay danaynayso wadaxaajood iyo in xal nabadeed lagu dhammeeyo dagaalkii sokeeye ee labada sano socday.

Ezekiel Gebissa waa bare - taariikhda iyo daraasaadka Afrika ka dhiga jaamacadda Kettering ee gobolka Michigan.

Wuxuu u sheegay weriyaha VOA-da James Butty in sidoo kale kooxda TPLF ay aqbashay martiqaadka wadahadalka nabadda ee ka dhacaya Koonfur Afrika, balse ay ka maqnayd caddaymo, sida, joojinta dagaalka.

"TPLF Waxa ay sheegay inay doonayaan in dagaalkan lagu dhammeeyo qaab wadahadal ah. Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa dhamaantood waxay ku ammaaneen maamulka Tigray inay aqbashay dhexdhexaadinta Midowga Africa" ayuu yiri Gebissa.

Wuxuu intaas raaciyay "Dowladda Itoobiya iyana waa sheegtay inay aqbashay wadahadallada nabadeed, laakii weli waxay diyaarineysaa ciidankeeda, si Tigray ay uga soo weerarto dhinaca Amxaarada iyo dhinaca Eritrea,iyada oo kaashaneysa ciidanka Ertitrea"

Waxa uu sidoo kale sheegay in Mareykanka iyo Midowga Yurub oo kaliya ay haystaan kalsoonida iyo awood ay ku keenaan miiska wadahadalka labada dhinac.

Isniintii todobaadkan, madaxweynaha Itoobiya Sahle-work Zewde waxa ay ku celisay danta dawladeeda ee ku aaddan heshiis nabadeed.

Wakaalada wararka ee AP ayaa toddobaadkii hore sheegtay in dowlada Itoobiya ay ku dhawaaqday inay aqbashay martiqaadkii Midowga Afrika ee ahaa in wadahadal nabadeed lala yeesho kooxda TPLF.

XS
SM
MD
LG