Muqdisho —
Xubnaha labada Aqal ee Baarlamanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa maanta lagu dhaariyay xaflad ka dhacday Teendhada Afisyooni ee xaruntii hore ee ciidanka Cirka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Hadaba Dhaarinta Xildhibaanada Maanta maxay uga dhigantahay siyaasaddii Soomaaliya ee cakirneyd iyo caqabadihii ku hor gudbanaa dhameystirka doorashada dalka.
Maxamed Colaad Xassan ayaa su’aashaasi iyo kuwo kale weydiiyay Professor Shaafici oo ah diplomaasi ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, barena ka ah Jaamacadaha Muqdisho.