Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay ka dhigan tahay doorashada berri ka dhaceysa Somaliland?


Somaliland
Somaliland

Somaliland waxaa maalinta berri looga dareerayaa doorashada madaxtinimada oo ay ku baratamayaan xilka madaxtooyada murashixiinta sadexda xisbi qaran iyo toddoba urur siyaasadeed.

Doorashadan oo ah tii afaraad ee nooceeda ah, marar badanna dib u dhacyo ay ku yimaadeen ayaa ku soo aadeysa xilli xiisad xooggan oo ka dhalatay heshiiskii is-fgarad ee badda ee Somaliland iyo Ethiopia ay kala saxiixdeen 1-dii Janaayo, ay weli taagan tahay.

Haddaba maxay doorashadan uga dhigan tahay Somaliland oo muddo 33 sanadood ah raadineysa ictiraaf caalami ah, xaaladda gobolka Geeska Africa iyo Soomaaliya.

Warbixintan waxaa magaalada Hargeysa ka soo diray Henry Wilkins, waxaa soo jeedinaya Xuseen Barre Aaden.

Maxay ka dhigan tahay doorashada berri ka dhaceysa Somaliland?
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:24 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG