Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay saxiixay 'nuqulka rasmiga ah' ee cutubyadii dastuurka ee ay Sabtidii codka aqlabiyadda leh ay ku ansixiyeen xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka.
Saxiixa madaxweynaha ayaa imanaya xilli weli ay diidan yihiin siyaasiyiin miisaan siyaasadeed oo mug leh ku leh Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Puntland.
Haddaba, maxaa lagu micneyn karaa saxiixa madaxweynaha ee dastuurka? halkee ayuuse ka dhammaan karaa khilaafka hadda taagan?
Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa warbixin uu arrimahaasi ku eegayo ka soo diray Muqdisho.
Madal