Djibouti —
Madaxweynaha Djibouti Ismaciil Cumar Geelle ayaa madaxtooyada dalkaasi ku qaabilay Rai’sal wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo booqasho hawleed maalmahan ku joogga magaalada Djibouti.
Booqashadan rai’sal wasaaraha Soomaaliya uu ku tagay Djibouti ayaa ah booqashadiisi u horeysey tan iyo markii xilkan uu qabtay.
Dhinac kale Wasaaraddaha Tamarta iyo Kheyraadka dabeeciga ee Djibouti iyo Soomaaliya ayaa kala saxeexdey heshiis iskaashi iyo wada shaqeyn ah oo la xidhiidha horumarinta arimaha shidaalka iyo tamarta.
Ramadaan Muuse ayaa warbixintan Jabuuti kasoo diray.