Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay ka wadahadleen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghaye Blinken?


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo boqasho rasmi ah ku jooga dalkan Mareykanka ayaa la kulmay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken iyo Victoria Nuland oo ah ku xigeenka xoghayaha.

"Mareykanka waxaa ka go’an inuu dadka Soomaaliyeed ka caawiyo la dagaallanka argagixisada, ka hortagga macluusha, horumarinta dimuqraadiyadda, iyo badbaadinta nolosha" ayuu Blinken ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Waxa uu Blinken sidoo kale sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh ay ka wadahadleen xassilloonida, maamul wanaagga iyo hiigsiga arrimaha bini'aadanimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kulamo gooni-gooni ah la yeeshay saraakiisha sare sare ee Mareykanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin xoghayaha difaaca, la taliyaha amniga qaranka iyo madaxda waaxda maaliyadda Mareykanka.

XS
SM
MD
LG