Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta min shan sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay odayaashii la macaamilay maleeshiyada Al-shabaab, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay dacwaddoodu ka socotay maxkamadda ciidamada, sida ay qortay warbaahinta dowladdu.
Sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, odayaashan ayaa sidoo kale waxaa sidoo kale waxaa dhaqdhaqaaqoda dusha kala socon doona ciidanka booliska.
Cumar Maxamed Jimcaale Aadan (Cumar Faniinte), Cali Axmed Xayle Caraalle (Cali Yare) iyo Sugaal Warsame Cali Yarow ayaa magaalada Xarardheere heshiis kula galay maleeshiyada Al-shabaab kahor inta aysan ciidamada dowladdu kala wareegin magaalada, waxaan 17-kii December magaalada Cadaado oo ay kusoo laabteen kasoo xiray ciidamada ammaanka.
Odayaashan ayaa heysta fursad ay racfaan uga qaadan karaan go'aanka maxkamadda.
Dowladda Federaalka ayaa hore u sheegtay 'in cid kasta oo la macaamisha maleeshiyada Al-shabaab ay mudan doonto ciqaab.'