Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo 2024 qabatay kiisaskii ugu badnaa


Maxkamadda Gobolka Banaadir
Maxkamadda Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maxkmadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in sanadkaan 2024-ka ay maxkamaddu qabatay gal dacwadeedkii ugu badnaa ee abid soo mara, iyadoo Maxkamadda ay ka jirto caqabad garsooreyaal la’aan ah.

Waxa uu sheegay in culeyska kiisaska tirada badan iyo garsoorayaasha ay heli karaan aysan aheyn wax isku dhigma taasi oo keentay in dib dhac uu ku yimaado in dacwadaha la qaado waqtigii loogu talagalay.

Hadalka Gudoomiyaha ayaa imaanaya xilli dad badan ay ka cawdeen qaadista kiisaska ee Maxkamadda oo waqti dheer qaata.

Warbixin arrintan ku saabsan waxaa noo haya Wariyaha VOA, Cabdulqaadir Maxamed Samakaab.

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo 2024 qabatay kiisaskii ugu badnaa
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:04 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG