Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaan Maxamed Abiib oo xabsiga laga sii daayey


Xildhibaan Maxamed Abiib
Xildhibaan Maxamed Abiib

Waxaa maanta xabsiga Mandheera laga sii daayay Xidlhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Aqalka Wakiiladda Somaliland, kadib amar kasoo baxay Maxkamadda Saree e Somalialnad.

Maxkamaddu waxay sheegtay in xariga xildhibaan Abiib uu baal maray sharciga, waxaanay u cuskatay in golaha wakiillada Somaliland ay cod aqlabiyad ah ku diideen xasaanadii ay xeer ilaalinta dowlada dooneysay in laga qaaday xildhibaanka.

Qoraal uu soo dhiggay boggaa uu ku leeyahay Facebook, ayuu Xildhibaan Maxamed Abiib ku sheegay in “xorriyadiisii uu dib u helay, kaddib 30-maamlood oo u sheegay in si sharci-darro ah uu u xidhnaa.

Xildhibaanka ayaa lagu xiray garoonka diyaaraha ee magaalada Hargeysa isagoo ka soo laabtay dalka Imaaraadka Carabta, waxaana lagu eedeeyay inuu galay khiyaamo qaran, inuu sumcad dil u geystay ciidamada, isla markaana uu ka soo horjeestay danaha Somaliland.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland oo ay weheliyaan xisbiyada mucaaradka ayaa hore u cambaareeyey xarigiisa, waxayna ku tilmaameen mid ku xad gudbay dastuurka Somaliland.

Madal

XS
SM
MD
LG