Hargeysa —
Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa shalay si sharciyan ah ugu dhawaaqday in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro uu yahay ku guulatstay madaxweynaha Somaliland ee shanta sano ee soo socota.
Maxkamadda ayaa ansixisay natiijadii kasoo baxday doorashada madaxtooyada, taasi oo todobaad ka hor ay usoo gudbiyeen guddiga doorashada ee Somaliland.
Maxkamadda ayaa sidoo kale ku dhawaaqday natiijadii kaso baxday tartankii doorashada xisbiyada. Warbixin ku saabsan arrinkaasi waxaa noo haaya Cabdulqaadir Maxamed Samakaab.
Madal