Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadda Sare oo soo saartay go'aanka kursiga HOP086 ee Fahad Yaasiin


Fahad
Fahad

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa diiday inay qaaddo dacwadda kursiga Golaha Shacabka ee HOP086 ee uu kusoo baxay la-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin.

Maxkamadda ayaa shalay si horudhac ah u dhageysatay doodaha qareenada Fahad Yaasiin iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud ee dowladda oo matalayey guddiga doorashada Heer Federaal.

Qareennada Fahad Yaasiin ayaa ku dooday in guddiga heer federaal aysan xaq u lahayn joojinta natiijada, halka qareenada lidka ku ahaa ay sheegeen in guddigan uu yahay midka maamulayey guud ahaan doorashada ayna kursigan joojiyeen kahor inta aan la qaban doorashadiisa.

Go’aanka maanta kasoo baxay Maxkamadda, oo ay baahisay warbaahinta dowladda ayey ku tiri “Waxa ay aqbashay hor-is-taagga Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda oo metalaya Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ee ah in aanay Maxkamadda Sare awood u lahayn ka-garnaqidda cabashooyinka la xidhiidha doorashada dadban ee Baarlamaanka 11 aad. “

“Waxa ay go'aamisay in aanay Maxkamadda Sare ee Dalku awood u lahayn ka garnaqidda cabashooyinka ka dhasha go'aannada maamul ee doorashada dadban ee Baarlamaanka 11 aad.”

Maxkamadda ayaa intaas ku dartay inay soo xirtay gal-dacwadeedka kiiskan oo summaddiisu tahay MS/1/2/2022.

Go’aankan ayaa waxaa gaaray Guddoomiyaha Maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed, iyo garsooreyaasha kala ah; Cabdulcasiis Maxamed Yuusuf, iyo Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.

Qaraarka Maxkamadda Sare
Qaraarka Maxkamadda Sare

XS
SM
MD
LG