Brussels —
Hoggaamiyaha Midowga Yururb Ursula von der Leyen ayaa iyada oo ku sugan magaalada Kyiv ugu baaqdey 27 dal ee Midowga Yurub in ay qaadaan tallaabooyin ka dhan ah ganacsiga dalalka ka caawiya Moscow in ay hareer marto cunaqabateynta ay dalalkaasi saareen.
Von der Leyen ayaa sheegtay in tallaabooyinkaasi tusaale u noqon doonaan wareegtooyin cusub oo cunaqabateyn ah oo Brussels ay saareyso Ruushka.
Warbxin arrintan ku saabsan waxaa magaalada London kasoo diray Wariyaha VOA ee Qaarada Yurub Cabdixaafid Cawil Ismaaciil.