Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minneapolis: Nin Soomaali ah oo dabaq iska soo tuuray


Minneapolis
Minneapolis

Nin Soomaali ah ayaa laba cad u kala go’ay kadib markii uu kasoo dhacay dabaq aad u dheer oo ku yaalla xaafadda Cedar Riverside ee magaalada Minneapols ee gobolka Minnesota.

Cabdicasiis oo dhalinyaro ahaa ayaa goobjooge uu VOA u sheegay inuu iska soo tuuray dabaqa 22-aad ee dhismaha, iyadoo inta uusan dhulka gaarin ka hor uu ku dhacay meel darbi ah, taasoo keentay inuu laba cad u kala go’o.

Goobjoogaha ayaa sheegay in ninka uu qabay xanuun maskaxda ah, iyadoo ehellada marxuumka iyo bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool ay si weyn uga naxeen dhacdada.

Maxamed Muuse Xasan oo kamid ah hogaamiyeyaasha bulshada gobolka Minnesota ayaa dhacdadan uga warramay weriyaha VOA Cabdulqaadir Maxamed Mursal.

Minneapolis: Nin Soomaali ah oo geeriyooday kadib markii uu dabaq iska soo tuuray
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:22 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG