Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mooshin xil ka-qaadis oo laga keenay madaxweyne ku-xigeenka Kenya


 Rigathi Gachagua
Rigathi Gachagua

Xildhibaanada baarlamanka Kenya ayaa qorsheynaya in ay billaabaan mooshin xil ka-qaadis oo ka dhan ah madaxweyne ku-xigeenka dalka Rigathi Gachagua, iyaga oo ku eedeeynaya in uu arbushayo dowladda, sida uu sheegay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamanka.

Tallaabadan ayaa muujineysa khilaaf sii ballaaranaya oo u dhaxeeya madaxweyne William Ruto iyo ku-xigeenkiisa.

Waxay ku sii dari karta caqabadaha haysta dowladda kadib mudaaharaadyo bilo socday, oo ay dad badan ku dhinteen, kuwaas oo ka dhashay sharciga maaliyadda ee lagu murmay, kuna qasbeen Ruto in uu meesha ka saaro sharciga bishii June, islamarkaana eryo inta badan golihiisa wasiirrada.

"Waa run in uu jiro mooshin xil ka qaadis ah oo ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka, islamarkaana aniga oo ah xildhibaanka baarlamaanka ee Kikuyu, horey ayaan saxiixayga ugu daray," waxaa sidaas yiri hoggaamiyaha aqlabiyadda Kimani Ichung'wah Axaddii.

“Waan taageerayaa mooshinka xil ka qaadista ah ee lagu joojinayo hannaanka lagu wiiqayo xukuumadda iyo sadbursiga dowladda dhexdeeda ah,” ayuu yiri.

Taleefono loo diray afhayeenada Gachagua, si falcelin looga helo, ayaan laga jawaabin.

Waxa uu maalmihii la soo dhaafay ka hadlay in dhinac loo riixay, wuxuuna beeniyey eedeymaha la xiriirinaya deganaansho la’aanta, kuwaas oo uu ugu yeeray “isku day aan miro-dhal ahayn oo lagu doonayo in magacayga lagu xumeeyo, lana doonayo in ay sabab looga dhigo mooshinka xil ka qaadista ee iga soo horjeeda”.

Gachagua ayaa Axaddii weriyayaasha u sheegay in mooshinka xil ka qaadista uu u baahnaan doono ogolaanshaha Ruto.

“Madaxweynaha oo aan ogolaansho siin, mooshinku ma gaari karo baarlamaanka, haddii uu baarlamaanka gaaro madaxweynaha ayaa aqbalay.”

Gachagua wuxuu taageero ka haystaa gobolka bartamaha Kenya ee dadka badan, waxaana dadaallada lagu doonayo in xilka looga xayuubiyo laga yaabaa in ay caro ka abuuraan halkaas, taasi oo sii kordhinaysa madax xanuunka Ruto.

In ka badan 50 qof ayaa lagu dilay qalalaasaha looga soo horjeedo sharciga maalgelinta, kuwaas oo abuuray xasaradihii ugu weynaa ee Ruto uu la kulmo tan iyo markii uu xafiiska qabtay 2022.

Dibad-baxayaashu waxay ka soo horjeesteen canshuur kordhinta ku jirta sharciga, waxayna sidoo kale dalbadeen in tallaabo laga qaado maamul-xumada iyo musuq-maasuqa.

Iyada oo qayb ka ah isku shaandhayn ballaaran, Ruto ayaa bishii Luulyo u magacaabay afar xubnood oo ka tirsan xisbiga ugu weyn mucaaradka inay ka mid noqdaan gole wasiirro oo sal-ballaaran.

Hase yeeshee kooxaha u dhaq-dhaqaaqa waxa ay sheegeen in dowladda cusub ay sii wadi doonto un dhaqanka hoggaamiyeyaasha ee ah in ay kaashaadaan mucaaradka, halkii ay ka fulin lahaayeen isbedellada ballaaran oo ay dalbadaan muwaadiniinta.

Reuters

Madal

XS
SM
MD
LG