Rome —
Ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa sheegay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay ay badweynta Mediterranean-ka kasoo bad-baadiyeen muhaajiriin gaaraya 510 qof oo ay ku jiraan Soomaali.
Shukri Siciid oo ah saxafiyad ku nool magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ayaa Ridwaan Xaaji Cabdiwali uga warantay wararkii ugu dambeeyay ee muhaajiriintan.