Washington —
Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay in Maamul Goboleedyada iyo dowlada dhexe oo si dhab ah isu kaashada looga gudbi karo khatarta Al-Shabaab iyo waxyeelada ay shacabka u geysanayaan.
Gen. Cabdulqaadir Sheikh Cali Diini, ayaa cambaareeyey weerarkii Shabaab ay ku dileen 10 qof oo ceel-biyood ka qodayey deegaanka Garileey ee gobolka Gedo, iyo kuwii ka horeeyey ee Hiiraan iyo Galgaduud.
Sahra Cabdi Axmed ayuu Gen Diini uga warramay in weeraradan ka dhanka wakhtigan Al-Shabaab iyo wax la gudboon Maamul-goboleedyada.