Muqdisho —
Doorashada golaha shacabka Soomaaliya ayaa mar kale dib uga dhacday in lagu soo gaba-gebeeyo waqtigii loogu talo-galay oo aheyd 15-ka Maarso, ayada oo ay harsan yihiin doorashada in ka badan 30 kursi.
Dib u dhaca cusub ayaa keenay in Mareykanka uu ballaariyo liiska shaqsiyaadka Soomaalida ee lagu soo rogay xayiraadaha Visa, sababo la xiriira inay caqabad ku yihiin hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.
Ayada oo ay taasi jirto ayaa haddana waxaa soo baxaya khilaaf cusub oo ku saabsan xilliga la dhaarinayo xildhibaanada cusub, ayada oo guddiga doorashada uu waqtiyeeyey 14-ka April, balse ay taas ku gacan sayreen qaar ka mid ah maamul goboleedyada.
Wariyaha VOA-da ee Muqdisho Seynab Abuukar Maxamed ayaa Waxbixintan kasoo dirtay Muqdisho.