Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muxuu soo kordhin karaa isbaheysiga Soomaaliya, Eritrea iyo Masar?


Afwerki, Siisi, Xasan Sheekh
Afwerki, Siisi, Xasan Sheekh

Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Eritrea Isaias Afwerki iyo Masar Cabdifitaax Alsisi, ayaa shalay kulan ay ku yeesheen magaalada Asmara waxay ku gaareen heshiis iskaashi oo saddex geesood ah.

Sida ku xusan war-saxaafadeed ay soo saareen, heshiiskan ayaa dhigaya in dalalkan ay sare u qaadaan iskaashigooda dhinaca ammaanka, xasilloonida gobolka iyo amniga marin-badeedka Badda Cas iyo Baabu Al-Mandab.

War-murtiyeedka ay madaxdan ka soo saareen shidkooda Asmara, waxaa kaloo uu hoosta ka xariiqay ilaalinta madax-bannaanida dhulleeed iyo qarannimada Soomaaliya.

Dhinaca kale intii uu shirkooda socday, dalka Masar ayaa u yaboohday Soomaaliya inay ka mid noqoto ciidamada howlgalka cusub ee AUSSOM ee bedelaya ATMIS marka uu waqtiga ka dhamaado bisha December ee sanadkan.

Hadaba muxuu soo kordhin karaa isbaheysiga saddex geesoodka ah ee lagu dhisay Asmara?

Warbixin arrintan ku saabsan waxaa Muqdisho ka soo diray Cabdicasiis Barrrow.

Muxuu soo kordhin karaa isbaheysiga Soomaaliya, Eritrea iyo Masar?
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:46 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG