HARGEYSA —
Somaliland ayaa maanta shaacisay natiijada imtixaanaadka guud ee ardayda dugsiyada sare iyo hoose dhexe oo ay sanadkan u fadhiisteen arday kor u dhaafaysa 9300 oo arday.
Guddoomiyaha imtixaanaadka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax oo wariyaha VOA ee Hargeysa u waramay ayaa sheegay in sandkan heerka ardayda uu ka fiicanaa sidii hore marka la bar bar dhigo sanadihii hore.
Hoos ka dhageyso wareysiga.