Hargeysa —
Natiijada Imtixaankii fasallada 4-aad ee dugsiyada sare iyo fasallada 8-aad ee dugsiyada dhexe ee Somaliland ayaa maanta looga dhowaaqay magaalada Hargeysa.
Imtixaankan ayaa waxaa u fariistay ku dhawaad 30,000 arday. Haddaba guddoomiyaha guddida Imtixaanaadka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax ayaa uga warramay weriyaha VOA ee Hargeysa Khadar Maxamed Cakule.